PUNTLAND: Agaasimaha Idaacada Daljir oo Dil Ka Badbaadey

Image

BOSAASO- Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed (Tallman) ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii rasaas uu ku weeraray askari kamid ah bilayska Puntland ee magaalada Bossaso.

Askariga ayaa isaga oo ku qaylinaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey” waxa uu xabbado afsaar ah ku ridey Agaasimaha oo xilligaas ka soo baxay xarunta idaacadu ku leedahay magaalada Boosaaso.

“Ilaahay baa i badbaadiyey, xabbad afsaar ah ayuu igu ridey ninkaas askariga ah,” ayuu yiri Tallman.

Radio Daljir ayaa maalmhaan baahinayey barnaamijyo uu kaga hadlayey hay’adda PSF oo uu madaxda horey uga ahaa Murashax Asad Diyaano.

Musharrax Asad Diyaano oo xilkii Taliyaha PSF ka degay, horayna xilka kala wareegey AHN aabbihiis Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa xilkii taliyenimo ee ciidanka PSF hadda ku wareejiyey walaalkiis Maxamuud Cismaan Cabdullaahi.

Maamulka Radio Daljir illaa iyo hadda lalama socodsiin in la soo qabtay ama la xiray askarigii isku dayey in uu Tallman, Agaasimaha Guud ee Radio Daljir, dilo asaga oo isku dayga dil ku sababaynaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey?”

RADIO DALJIR 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM