Puntland: Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamey buuraha G/Bari

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ku dagaalamay shalay buuraha gobolka Bari, halkaasoo loolankooda uu ka socday tan iyo 2015.

Illo xog-ogaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Daacish ay weerar gaadmo ah ku qaadey fariisin ay Al-Shabaab ku leedahay aaga il-Cameyra, oo kamid ah buuraha Cal-Miskaad.

Wararka ayaa sheegay in labada dhinac dagaalka ay isaga dileen xubno badan, oo hogaamiyeyaal ku jiraan, inkastoo aan tirada wali la ogeyn, waxaana lagu soo waramayaa inay Al-Shabaab iska difaacdey weerarka.

Tan iyo markii 2015 Daacish lagu aas-aasay buuraha, waxaa sii xoogeysanayay loolanka labada kooxood u dhaxeeya, iyagoo dhowr jeer ku dagaalamay gobolka, oo dhinac kale ay howlgallo iyaga ka dhan ah kawadaan Ciidanka dowladda Puntland.

Al-Shabaab ayaa Daacish uga xoog badan gobolka Bari, maadaama uga soo horeysay, iyadoo labada kooxood ay khatar ku hayaan amniga Puntland, waxayna lacago baad ah ka qaadaan Ganacsiga Boosaaso, oo ah isha ugu weyn dhaqaalaha ka helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM