Puntland: Al Shabaab oo dad ka afduubtay deegaanka Garacad

Image

GALKACYO, Puntland- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saaka Shan ruux oo shacab ah ka afduubtay deegaanka Garacad oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sid ay sheegayaan wararka soo gaaraya GO.

Dadka la af-duubtay ayaa ahaa Kalluumaysato saaka badda u raadsaday kalluun, sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaankaas oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Raggan ayaa ehelkooda ku war-galiyay inay la af-duubtay xilli lasii marsiinayay degmada Xarar-dheer oo ay maamusho xarakada Al Shabaab.

Lama oga sababta loo af-duubtay iyo halka loo wado.

Balse Shantan qof ayaa laga qabsaday xeebta deegaanka Ceel Dhanaane oo katirsan gobolka Mudug.

Majirto wax war  ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Mudug kaasoo ku aadan qafaalashadan bad-dhacdaasi.

Waa markii ugu horaysay deegaanka Af-duub ka gaysato kooxda Al Shabaab tan iyo markii halkaas laga saaray horaantii sannadkii hore markii koox soo duushay ay muddo kooban ku sugnayd.

Xaaladda deegaanka Garacad ayaa degan inkastoo ay jirto cadbsi lasoo daristay dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa timid xilli dowladda Puntland sannadkii hore sheegtay inay ciidamo gayn doonto xeebaha si looga hortago falalka kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM