Puntland: Al-Shabaab oo deegaano kale gaaray

Image

Mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo ilaa shalay galinkii dambe ku sugnaa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ayaa saaka halkaasi isaga baxay siday noo xaqiijiyeen goob joogayaal kusugan deegaanka.

Kooxdan ayaa u dhaqaaqday dhanka xeebaha gobolka Nugal, iyagoo lagu arkay goobo katirsan degmooyinka Eyl iyo Godob-Jiraan.

Mallayshiyaadkan oo hubaysan ayaa wararku sheegayaan inay dadka reer miyiga ah weydeen tilmaamaha qaybo kamid ah bartilmaameedkooda, waxaana la sheegay inaysan wax waxyeelo ah u gaysanayn shacabka ay la kulmayaan.

Gudoomiyaha degmada Godob Jiraan Yusuf Maxamed Farax oo la hadlay Radio Garowe, ayaa xaqiijiyay in kooxdaasi soo gaareen degmada isagoo xusay inay tageenn ceel reer guuraagu ka cabaan iyagaoo dadkii halkaasi ku sugnaa ka qaatay dhammaan taleefoonadii ay wateen.

Wuxuu sheegay inay dadka deegaanku ku warameen in mallayshiyaadka arkeen gaarayaan ilaa 450 hubaysan.

Dhinaca kale warar aan ka helayno degmada Eyl ayaa sheegaya in kooxo hubaysan gaareen deegmadaasi qaybo kamid ah.

Warar kale oo ilaa hadda la xaqiijin ayaa sheegaya in mallayshiyaad kale soo gaareen degmada Garacad gobolka Mudug.

Wixii wararkaasi kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM