​Puntland: Amniga Bosaso oo Laga Shiray

Image

BOSASO- Waxaa maanta magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isugu wasiirka wasaaradda Amniga Puntland, maamulka gobolka, kan degmada Bosaso iyo laamaha kala duwan ee ammaanka gobolka Bari iyagoo ka xaajoonaya xaaladda magalada Bosaso. 

Kulankan oo muddo socday, ayaa saxaafaddu dibada ka joogtay, waxaana markii uu soo idlaacaday warbaahinta la hadlay wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab", isagoo sheegay inay ka hadlayeen qaabkii ammaanka loo xoojin lahaa gaar ahaan magalada Bosaso oo xusay in maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka dhaceen. 

Qarjab, ayaa tilmaamay inay isfareen qaabkii loo dar-dar galin lahaa xoojinta ammaanka gobolka gaar ahaan xarunta Ganacsiga Puntland, maadama la filayo inay yimaadaan wufuud kasocota beesha caalamka iyo dowladda Somalia. Wuxuu xusay in si hufan loo baaro kiiskii dhawaan ka dhacay degmada Bosaso, isagoo sheegay in cidda dambiga gashay laamaha garsoorku baaraan kuna soo oogaan iyagoo u maray qaab cadaali ah. 

Kulankan ka dhacay xarunta wasaaradda Amniga Bosaso, ayaa yimi xilli xaaladda magaaladaas dagantahay balse, 01 Febraayo, 2016 magalada uu ka dhacay banaan-bax rabshada watay, kaas oo dowladdu ku eedaysay gudoomiyihii hore Bari Cabdisamad Maxamed Gallan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM