Puntland: Ardayda abaal marino la gudoonsiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka qayb galay munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey tobankii Arday ee ugu sarreeyey Imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare Puntland.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen Mas'uuliyiinta wasaaradda Waxbarashashada Puntland waxaa ka qayb-galay bahda waxbarshada iyo qaybaha bulshada, waxaana Aradaygii ugu buundada sarreeyey la gudoonsiiyey gaari nooca NOAH, halka sagaalka kelena la siiyey abaal marino kale.

Ardayda oo baalmarinta ay gudoonsiiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Waxbarshada Puntland ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad muujinaysa sida ay ugu soo dhabar adaygeen waxbarshada asaasiga ah iyo guusha ay ka gareen imtixaankii sanad dugsiyedka 2016-2017.

Sii hayaha Wasiirka wasaarada Waxbarshada Puntland Abshir Yuusuf Aw-Ciise ayaa Ardaydan ku amaanay dadaalka ay la yimadeen, isagoo ku booriyey inaysan ka caajisin waxbarshada sare oo dhawaan u bilaami doonta.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa Ardaydan iyo dugsiyada ay ka qalin jibiyeen-ba u mahadceliyey isagoo madashan kaga dhawaaqay inay heli donaan deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Sanadkii 2009 ayay Puntland bilawday in ardayda kaalmaha hore ka gala dugsiyada sare si hufan in ay u helaan deeq waxbarsho oo dibada ah, waxaana qorshaysan Ardaydana in dhawaan ay u baxaan Jaamacdo dalka dibadiisa ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM