​Puntland: Askar miino la qaraxday

Image

Wararka aan ka helayno buuralayda Galgala, ayaa sheegay in maanta miino la qaraxday ciidamo katirsan daraawiishta Puntland, kuwaasi oo ku sugan buuraha Galgala gobolka Bari.

Labo askari ayaa dhintay, shan kalena, waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana falkaasi dhacay duhurnimadii maanta, xilli ciidamadu doonayeen inay miinadan ka saaraan jid lagu aasay.

Majirto faah-faahin intaasi dheer oo laga helay saraakiisha ku sugan jiida hore ee buuralayda Galgala.

Ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda iyo saraakiisha ammaanka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii labo askari buuralayda Galgala miino kula qaraxday waqti roob da'ayay, waxaana falalkaasi kusoo beegmayaan iyadoo ururka Shabaab halkaasi wali ku suganyihiin.

Ciidamo Puntland katirsan ayaa ku leh fariisinno kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM