Puntland: Askari boolis oo lagu xukumay shan sano xarig ah

Image
Shan boqol oo doolar iyo in laga saaro Ciidamada ayaa sidoo kale lagu xukumay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dacwad ku oogay eedysane Dable Aadan Xasan Maxamed oo la sheegay in uu ka tirsan ciidamadda booliska.

Eedaysanaha, Maxamed, ayaa la horkeenay Maxkamada Ciidmadda Qalabka sida iyo Dembiyada Cuulus ee gobollada Bari, Kar-kaar, Gardafuu Sanaag iyo Haylaan

Soo qabashada askariga ayaa ka dambaysay kadib markii uu dadaal dheeri ah ku bixiyay Cornayl Warsame Axmed Shirwac oo ah madaxa Ilaalada Canshuuraha dekeda Boosaaso

G/le Maxamed Xuseen Foodcade, xeer Ilaaliyaha Maxkamada, ayaa ayaa Eedaysanaha ku eedeeyay xatooyo iyo qodbka 241 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed .

Maxkamadda oo eedaysanaha wax ka waydiisay dabiga loo haysto ayaa qirtay in uu galay Xatooyada loo haysto. Maxkamaddu waxay dhegaystay eedaynta Xeer Ilaaliyaha.

Agabkii uu xaday Dable Aadan Xasan Maxamed ayaa la geeyay maxkamadda. Markii uu qirtay in uu dabigaas galay waxay maxkamadda ku xunkantay shan sano xarig ah, 500 boqol oo doolar iyo in laga saaro Ciidamada Booliska Dawladda Puntland.

Xukunka Maxkamada ka dib Agasimaha Furdooyinka Dawladda Puntland, Mahdi Faarax Qambi, ayaa qeybaha kala duwan ee bulshadda ugu baaqay in ay cashuurta la dhuuman oo iska bixiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM