Puntland: Barlamanka oo ansixiyay hishiiska shirkadda CCECC

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland gaar ahaan guddiyadooda joogtada ah ayaa ansaxiyay heshiiskii ay dhawaan wada galeen dowladda Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha (CCECC), kaasoo dhigayay in mashaariic hormarineed laga sameeyo deegaanada Puntland.

Heshiiskan ay ansaxiyeen gudiga joogta Baarlamnaka Puntland ayaa qeexaya in Shirkadda CCECC ay dhisi doonto garooonka diyaardaha magaalada Gaalkacyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Eyl iyo Garowe.

Waxaa sidoo kale kamid ah hishiiska la ansixiyay in shirkadan sahamin Shidaal baaris ah ka samayn doonto deegaanada Puntland.

Golaha wasiirada Puntland ayaa asbuucii la soo dhaafey kulankoodii ku ansaxiyey hehsiiskaan.

Barlamanka Puntland, iyagoo ka duulaya in mashaariicdan hormarineed dhakhso loo bilaabo ayay ku dhaqaaqeen hishiiskan ansixintiisa.

Guddiga ayaa dalbaday in Kalfadhiga soo socda ee Barlamanka Puntland la horkeeno hishiiskan oo faah faahsan si Xildhibaanadu uga doodaan.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Onlie, ayaa sheegaya in mas’uuliyiin kasocda dalka Shiinaha oo matalaya shirkaddaas ay imaan doonaan deegaanada Puntland iyagoo wada qalabkii lagu fulin lahaa mashaariicdan.

CCECC, ayaa ahayd shirkaddii dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM