​Puntland: Booliiska Mudug oo shacabka u digay

Image

GALKACYO, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Mudug ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda gobolka iyo xogo sheegaya in kooxda Shabaab qorshaynayso weeraro ay ka gaystaan gooboaha shacabku isugu yimaadaan, Idaacadaha iyo xarumaha dowladda.

 Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal oo warabaahinta kula hadlay Magaalada Galkacyo ayaa shacabka ugu baaqay inay digtoonaada islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada ammaanka isagoo ka codsaday inay lasoo wadaagaan wixii xog ah ee ku saabsan cidda ay ka shakiyaan iyo dadka magaalada kusoo siyaasada intaba.

Qaal ayaa sidoo kale fariin u diray mulkiilayaasha hotelada isagoo ka codsaday inay lasoo wadagaan xogaha dadka soo daga xarumahooda, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan ciidamado dhar cad ah oo la socda dhaq-dhaqaaqyada.

Taliyaha oo dhawaan loo magacaabay xilka uu hayo ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka mudadii uu xilka hayay isagoo sheegay inay gaareen guulo la taaban karo oo dhinaca amniga u badan.

Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in xaalada ammaan ee Magaalada Galkacyo ay aad u wanaagsatahay  isagoo xusay in Boolisku ku guleesteen soo Qabshada dad badan oo ka shaqeenayay  falal iskugu jira amni daro iyo dhaqan Xumo.

Taliyaha ayaa Amar duldhigay shacabka Kunool Galkacyo oo uu sheegay in Qofkii aan qaadan kaarka  aqoosiga dhalashada inay  u aqoonsanayaan inuu qayb ka yahay  dadka ka shaqeeyay Amni dara Gobalka Mudug.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli inta badan magaalada Galkacyo ay ka dhacaan dilal qorshaysan oo lagu tuhmo kooxda Al Shabaab kuwasoo badankooda aysan jiri cid loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM