Puntland: Bulshada Boosaaso oo "aan usoo bixin" diiwaan-gelinta

Image
Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ayaa qiray in dadweynaha ay "iska wataan noloshooda caadiga ah".

GAROWE, Puntland - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo ku qabtay Boosaaso kulan loogu wacyi-gelinayo bulshada magaaladaas is-diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ayaa qiray in bulshadu aysan usoo bixin.

Afhayeenka guddiga, Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq, ayaa afka ku balaariyay in dadweynaha ay iska wataan noloshooda caadiga ah kadib markii geedi-socodka ay qaadaceen qaar kamid ah ururada siyaasadda.

"Bulshadii magaaladu noloshooda ayay iska wataan, suuqa ayaan tagnay oo dadku waa ay buuxaan hal qof oo usoo dhaqaaqayna ma jirto," ayuu yiri afhayeenka oo kulanka ka hadlay.

Diiwaan-gelinta halka dhinac ah ee xukuumadda ka fulineyso gobalada Bari, Gaardafuu iyo Karkaar ayaa horey uga hor-yimid ururada kala ah Horseed, Mideeye Dhalinyarada iyo Shaqaalaha.

Ururadan oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale ayaa waxay ku tilmaameen geedi-socodkan "mid dhinac u jaran-jeera oo xukuumadda Deni ay ka leedahay dano muddo kororsi xambaarsan".

Madasha Siyaasadda Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay wadahadalo kawaday magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale waxay uga digeen xukuumadda Deni in ay "dalka geliso firaaq dastuuri ah".

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay uga hartey sanadka ee Saciid Deni ayay ku waaniyeen in uu ka laabto nidaamkan "hubeysan" isla markaana uu kusoo laabto miiska wadaxaajoodka si looga baaqsado xasilooni darro iyo is-qabqabsi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM