Puntland: Bulshada Boosaaso oo "aan usoo bixin" diiwaan-gelinta

Image
Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ayaa qiray in dadweynaha ay "iska wataan noloshooda caadiga ah".

GAROWE, Puntland - Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo ku qabtay Boosaaso kulan loogu wacyi-gelinayo bulshada magaaladaas is-diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ayaa qiray in bulshadu aysan usoo bixin.

Afhayeenka guddiga, Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq, ayaa afka ku balaariyay in dadweynaha ay iska wataan noloshooda caadiga ah kadib markii geedi-socodka ay qaadaceen qaar kamid ah ururada siyaasadda.

"Bulshadii magaaladu noloshooda ayay iska wataan, suuqa ayaan tagnay oo dadku waa ay buuxaan hal qof oo usoo dhaqaaqayna ma jirto," ayuu yiri afhayeenka oo kulanka ka hadlay.

Diiwaan-gelinta halka dhinac ah ee xukuumadda ka fulineyso gobalada Bari, Gaardafuu iyo Karkaar ayaa horey uga hor-yimid ururada kala ah Horseed, Mideeye Dhalinyarada iyo Shaqaalaha.

Ururadan oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale ayaa waxay ku tilmaameen geedi-socodkan "mid dhinac u jaran-jeera oo xukuumadda Deni ay ka leedahay dano muddo kororsi xambaarsan".

Madasha Siyaasadda Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay wadahadalo kawaday magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale waxay uga digeen xukuumadda Deni in ay "dalka geliso firaaq dastuuri ah".

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay uga hartey sanadka ee Saciid Deni ayay ku waaniyeen in uu ka laabto nidaamkan "hubeysan" isla markaana uu kusoo laabto miiska wadaxaajoodka si looga baaqsado xasilooni darro iyo is-qabqabsi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM