Puntland: Cabashooyinka shillin Soomaaliga oo laga shiray

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM