Puntland: Cabdisalaam Bashir oo loo doortey duqa cusub ee Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Gollaha degaanka magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta doortey duq cusub, kadib doorasho ay ku tartameen labo musharax oo dhalinyaro ah.

Doorashadan oo codadkooda dhiibteen 31 xubnood oo uu ka kooban yahay gollaha degaanka ayaa waxaa kusoo baxay, oo kursiga ku guuleystay Cabdisalaam Bashir oo loo doortey duqa cusub ee Boosaaso.

Cabdisalaam Bashir ayaa helay 28 cod halka musharaxa kale ee la tarmayay uu helay kaliya 3 cod.

Duqa cusub ee la doortay Cabdisalaam Bashiir ayaa xilkan si KMG ah usoo hayay mudadii lixda bilood ee lasoo dhaafay, kadib markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas kala diray March 1, 2018 maamulkii hore ee Boosaaso, oo khilaaf iyo is-qab-qabsi hareeyay.

Waa duqii labaad oo loo doorto magaalo ku taalla Puntland tan iyo August, waxaana ay kuso eedeysa tani xilli guud ahaan degaanada maamulka ay isku diyaarinayaan doorashada Baarlamaaniga oo December 2018 dhacaysa iyo mid Madaxweynaha oo January 2019 loo balansan yahay.

Axmed Xasan Barre, ayaa 29-kii August loo doortey duqa caasimadda Puntland, ee Garoowe, isagoo ka adkaadey Axmed Bashiir [Bakuuke], waxaana doorashada sameeyay gollaha degaanka 27 xubin ka kooban. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM