Puntland: Cabsi laga qabo soo laabashada Burcad Badeeda [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

13 Octobar, 2015(GO)-Bad-dhacda degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa aaminsan inay suurta gal noqon karto haddii tilaabo laga qaadi waayo Maraakiibka habeen iyo maalin Jariifka ku hay xeebta, inay dib usoo laabtaan Burcad badeedii la suuliyay xiligii dowladdii Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada deegaanka ayaa maanta oo Tallaado ah Radio Garowe uga waramay xaaladda ganacsi ee xeebta,waxay xaqiijiyeen inuu istaagay ganacsigii kala dhaxeeyay dalka Yaman, dagaalada sokeeya darteed.

Dowladda ayay ku dhaliileen inaysan wax ka qaban Jariifka iyagoo og  inay khayraadka qaataan Maraakiib shisheeye, waxayna dhankooda xuseen inaysan awood u lahayd wax ka qabashadeeda.

Khalluumaysatada qaybtood ayaa qaba in arrinkan ku lug leedahay xukuumadda iyagoo u daliishana Somali la socota Maraakiibta wax Jariifa iyo wax ka qabasho la'aanta jirta.

Nolosha dadka deegaanka ayaa Jariifku saamayn ku yeeshay maadama aysan Kalluumaysan karin Bad dhacdu, waxaana falka sharci darada ah ee ugu badan gaysta dalalka Iran iyo Yemen, kuwaasi qaata Shamaagaha mar-marka qaybtoodna halis galiya nafta khalluumaysatada.

Dadka deegaanka ayaa xusaya inay Kalluumaysi u raadsadaan meel u jirta xeebta ugu yaraan 50 Mile.

Xukuumadda Puntland ayaa horay u sheegtay jiriifka sharci darada ah inuu yahay masiibo qaran, cidii lagu helana sharciga lala tiigsan doono, waloow ilaa hadda aysan jirin cid sharciga xukuumaddu sheegtay la horgeeyay iyadoo uu soo kordhayo baaqyada Kalluumaysatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM