Puntland: Camay oo Qardho u tagay Furista Imtixaanka Shahaadiga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa saq dhexe xalay u safray magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

Socdaalkan aya ujeedkiisa lagu sheegay inuu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay doonayeen inay daah furaan imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland oo ay u fariisteen ku dhawaad 13 kun oo Arday.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa xarunta maamulka Gobolka Karkaar ee degmada Qardho ku booqday guddiga tirakoobka shaqaalaha Dawladda Puntland oo beryihii u danbeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Qardho, waxayna guddigu uga warameen Madaxweyne ku xigeenka shaqadu sida ay u socoto iyo waxyaabaha u qabsoomay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM