Puntland: Camay oo Qardho u tagay Furista Imtixaanka Shahaadiga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa saq dhexe xalay u safray magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar.

Socdaalkan aya ujeedkiisa lagu sheegay inuu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay doonayeen inay daah furaan imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Puntland oo ay u fariisteen ku dhawaad 13 kun oo Arday.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa xarunta maamulka Gobolka Karkaar ee degmada Qardho ku booqday guddiga tirakoobka shaqaalaha Dawladda Puntland oo beryihii u danbeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Qardho, waxayna guddigu uga warameen Madaxweyne ku xigeenka shaqadu sida ay u socoto iyo waxyaabaha u qabsoomay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM