Puntland: Camey oo ka laabtey Dacwad uu kusoo oogay Gaas [Akhri]

Image

GAROWE, Puntland - Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu dib uga labtey Dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas".

Camey ayaa sheegay inuu joojiyay dacawaddii u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland 6-dii bishan, taasoo uu wakiil uga ahaa qareenada Cabdiweli Saciid iyo Sheekh Saciid Axmed Faarax kadib markii uu eegy duruufaha dalka ka jira.

Dacwadda ayaa ku aadaneyd Murankii ka dhashay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Gollaha Wakiiladda, ee isaga iyo Cabdiweli Gaas ay kala magacaabeen, taasoo ka dhalatay khilaaf xooggan oo labada mas'uul u dhaxeeya.

Puntland ma lahan xilligan Maxkamad Dastuuri ah, balse bedelkeeda kiisaska khilaafka madaxda sare waxaa dhageysata Maxkamadda sare. [Halkan ka akhri].

HALKAN KA AKHRI WARQADDA CAMEY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM