Puntland: Camey oo kahor-yimid go'aanadda Shirkii Garoowe [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] ayaa kasoo horjeestay go’aanadii kasoo baxay shirkii todobaadkii tagey Madaxda dowlad goboleedyadda ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe. 

Camey oo la hadlay Radio Kulmiye oo Muqdisho ku yaalla, ayaa ku tilmaamay qodobadii kasoo baxay shirkaas ”riyo maalmeed ah”, iyo go'aanno aan laga fiirsan, oo aan suurta-gal noqon doonin, maadaama xiligan aan ku habooneyn xaaladda ka jirta dalka. 

“Waa riyo maalmeed, in qodobo noocaas ah ay kasoo baxaan shirka madaxda maamul goboleedyadda. Waxaan si wayn ubogaadinayaan talaabada culimada iyo taliyaasha ciidamada Puntland ay qaadeen,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa soo dhaweeyay go’aan uu qaatay madaxa xukuumada Galmudug, kaasi oo uu kaga hor-yimid isana shirkii Garoowe xili uu ku baaqay in laga qaybgalo shirka uu Farmaajo ku iclaamiyay. 

“Waxaan si wayn u bogaadinayaa saaxiibkey Sheekh Axmed Shaakir, oo talaabo muhiim ah qaaday. Waxaan ku baaqaynaa in wax kasta lagu xaliyo wadahadal,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Camey. 

Hadalka Camey ayaa cirka biyo kulul ku shubaya is-marin-waaga siyaasadeed ee dowlada dhexe iyo maamul goboleedyadda, xili uu cadaadiska kusii kordhinayo Madaxda maamuladda oo haatan Beesha Caalamka garab ka raadinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM