Puntland: Camey oo Muqdishu ku eedeyey in maxaabiis Al Shabaab ah fasaxeen

Image

GAROWE- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku eedeyey Hay'ada Elmen oo lagu warejiyey maxaabiis lagu qabtey dagaal horey u dhexmarey maamulka Puntland iyo Al shabaab in lagu sii daayey magalaada Muqdishu.

Maxaabiistaan oo madaxweyne ku xigeenka Puntland sheegey in Hay'ada Elman ku wareejiyeen si dhaqan celis loogu sameeyo laga sii daayey xaruntaas kuwaas oo dib loogu qabtey dagaalo kale.

‘’Arintan waan kula xisaabtami doonnaa hay’adda xaquuqul Insaanka ee Muqdisho fadhigoodu yahay, waxaana ay noqoneysaa intii aan carruurta lagu qabto dagaallada u diri laheyn Xamar annaga aan dhaqan celin u sameyneyna’’ sidaas waxaa yiri Camey oo la hadlaya saxaafada.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland sheegey kadib markii maalintii shaley 22/05/2017 magalaada Garowe kula kulmay Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegey in hadda wixii ka dambeeya Puntland u diyaarsan tahay dhaqan celinta dhalinyaradaan la qabtey iyagoo ka garab dagaalamaya kooxda Al shabaab.

Magalaada Garowe ayaa waxa laga furey xarun lagu hayo dhalinyaro ka Hartey maxaabiistaan taasoo ay furteen xabno aad ugu dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Xaruntaan oo ku dhextaala magalaada ayaa waxaa dhowaan cabasho ka muujiyey shacabka dagan magalaada Garowe kuwasoo sheegey iney khatar ku tahay amniga xaafadaha ku dhow xatuntaas.

Maamulka Puntland ee Madaxweynaha uu ka yahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa horey loogu eedeeyey in maxaabiista Al shabaab laga sii daayo xabsiyada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM