Puntland: Casriyeynta Bangiyadda oo la bogaadiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Dowladda ayaa hore u qaadatay siyaasad furfuran oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, fududeyn culaysyada iyo waxkasta oo Caqabad ku ah maalgashiga.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda bandhigga adeegyada cusub ee Banggiga (SOMBANK).

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dardargelinta iyo casriyeynta adeegyada Banggiga SOMBANK, iyo muhiimada ay leedahay in Ganacsatada Soomaaliyeed dalkooda maalgashtaan.

Xafiiska Deni ayaa yiri: "Dowladda Puntland ayaa hore u qaadatay siyaasad furfuran oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, fududeyn culaysyada iyo waxkasta oo Caqabad ku ah maalgashiga".

Tani ayaa bud-dhig u ah in Ganacsato badan kusoo dhiirato, waxaana qorshahaasi sidoo kale qeyb weyn ku leh Banggiga Dhexe ee Dowladda oo hab casri ah looga shaqeysiiyay una diyaarsan damaanad qaadka maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM