Puntland: Ciidamo gadoodey oo qabsaday dekedda Boosaaso

Image
Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland iyo ciidamada ayaa waajahaya mushahaar la'aan dhawr bilood ah.

BOOSAASO, Puntland - Ciidamo ka tirsan Birmadka iyo Daraawiishta dowladda Puntland ayaa Talaadada maanta ah isku hareereeyay dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka.

Dekeddaan oo ah isha dhaqaale ee Puntland ugu wayn ayaa lagu tiriyaa hooyada maaliyada ee mandiqadda iyada oo ciidamaddu ay u tageen sababo la xiriira mushahaarkooda oo ay waayeen.

Ciidamadaan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo kala duwan, waxay kasoo baxeen buuraha gobolka Bari halkaasi oo ay kula diriraan kooxaha argagixisada sidda Al-Shabaab iyo Daacish.

Masuuliyiinta dowladda oo goobta tagay ayaa dadaal ku bixinaya in ciidamadaan ay ka qaadaan hareeraha marsadda isla markaana u sheegaya la siin doono xuquuqdooda.

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland iyo ciidamada ayaa waajahaya mushahaar la'aan dhawr bilood ah iyada oo xukuumada lagu eedeeyay in ay u leexisay dhaqaalihii maamulka meelo laga mudnaa.

Xukuumadda Deni ayaa afka ku balaarisay dhawr mar in ay iyadu bixisay dhaqaalaha ugu badan doorashooyinka golayaasha degaanka ee lagu muransan-yahay kuwaasi oo deegaanadda qaar laga diiday.

Mushahaar la'aanta ayaa keentay in ciidamo ay qabsadaan Saldhigga Bari ee Garowe, Kaantaroolka Galbeed ee Galkacyo iyo maanta oo ay ka taagan tahay isha dhaqaale ee maamulka ugu muhiimsan.

Lama ogga halka ay ku dambayn doonto xaaladaan balse waxgaradka Puntland ayaa ka digay marar kala duwan in xaaladu ay ku socoto meel aan wanaagsanayn kuna taliyey in degdeg xal waara loogu helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM