Puntland: Ciidamo kayimid Galkacyo oo qabsaday degmada Xarfo

Image

XARFO, Puntland- Isu socodka gaadiidka ayaa hakad ku jira, waxaana xiran wadada xiriirisa magaalooyinka Galkacyo iyo Garowe, kadib markii ciidamo kayimid xarunta gobolka Mudug ay qabsadeen magaalada, sida ay Radio Garowe u xaqiijiyeen wax-garadka degmadaas.

Ciidamadan oo isugu jira kuwa Birmadka gobolka Mudug iyo Booliis, ayaa ka cabanaya mushahar la’aan iyo xuquuq kaga maqan dowladda.

Nabadoon Xasan Macallin Daahir oo  kamid ah waxgaradka degmadaas oo la hadlay Idaacadda Garowe, ayaa sheegay in dhacdooyinka ay soo noq-noqdeen tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Gaas, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Xarfo noqoto goob mar kasta lagusoo duulo.

Dowladda ayuu ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay tallaabooyinka keenaya in fowod laga dhigo degmada Xarfo.

Nabadoon Daahir, ayaa cadeeyay inaysan jirin wax gaadiid ah oo ka gudbaya magaalada Xarfo.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka xunyihiin dhibaataynta shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada dalka, isagoo xusay inay u cabanayaan dhammaan cid kasta oo wax ka qaban karta.

Majirto dadaalo ilaa hadda socda si wax looga qabto ciidanka Gadoodsan, balse Nabadoonka ayaa sheegay in odoyaasha Xarfo ku dadaalayaan sidii dib loogu celin lahaa goobihii ay ka yimaadeen.

Ciidankan ayaa qabsaday Kastamka wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Xarfo.

Maaha markii u horaysay ee ciidanka qabsadaan xarunta, balse waxaa horay u jiray Gadoodyo noocaan ah oo ciidankaas dhowr jeer ku qabsadeen degmada, waxaana ay haysteen muddo dhowr cisho ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu goobta soo gaaray taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Mudug, balse uu dib u laabtay kadib markii uu xallin waayay arrintan ciidankuna laftigiisa ku gadoodeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM