Puntland: Ciidanka PSF-ta oo sheegay inay dileen 18 katirsan Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Qoraal kasoo baxay ciidanka PSF-ta Puntland ee ku sugan gobolka Bari, ayaa lagu faah faahiyay howlgal qaatay muddo 4 maalmood ah, oo lagu bartilmaameedsanayay Mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.

Warbixin kooban oo lagu faafiyay barta ciidamadaasi ku leeyihiin Facebook, ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 18 katirsanaa kooxda Al Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil.

Laguma xusin warbixintaas magacyada iyo jagooyinka saraakiisha la dilay, balse waxaa lagu cadeeyay in ciidamadu weerarkaasi sii wadi doonaan.

"Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen aaggaga Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow," Ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay Facebook-ga.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegtay inay gubeen kaydadkii kooxda Al Shabaab ee buuraha Calmadow, "Bartilmaameedka hawlgalkan ciidanka PSF ay fuliyeen ayaa ahaa goobo ay ururka argagixisada Al Shabaab kaga sugnaayeen Buuraha Cal Madow, waxayna ciidanka PSF weerarkan ku dileen 18 ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab oo ay ku jireen saraakiil, waxayna maxaabiis ahaan u qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabaab; sidoo kale ciidanku waxay hawlgalkaas ku gubeen kaydadkii labadaas saldhig oo ay yaaleen raashin,hub,rasaas iyo daawooyin."

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, tan iyo markii mallayshiyadaas weerar kusoo qaadeen saldhigii ciidanka Daraawiishta kulahaayeen tuulada Af-urur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM