Puntland: Cudurro ka dhashay duufaanta ku dhufatay gobolka Gardafuu [Dhagayso]

Image

03 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya tuulada Dhurbo oo qiyaastii 17-km u jirta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ayaa laga soo sheegayaa xanuuno ka dhashay Badda oo kacday.

Galinkii dambe ee shalay 02 November, 2015, waxaa isbadalay gabi ahaan jawiga tuulada Dhurbo ka dib markii Baddu ka soo gudubtay xadkii ay joogtay, waxaana weheliyay qiiq iyo uuro sababay inay ka dhashaan cudurro saameeyay dhammaan bulshada ku nool halkaasi.

Macalin Cabdiraxmaan Cumar Cabdullahi oo ka mid dadka ku nool halka arrintaasi ka dhacday, ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkii tuulada ku noolaa ku dhacay cudur aysan horay u arag balse soo shabaha waxa Somalidu u taqaano Durayga ama Hargabka, wuxuuna wataa qufac, hindhiso, madax-xanuun iyo indho xanuun.

Tuulada Dhurbo malahan, goob caafimaad, mana jirto cid wax ka qabatay xaaladda ka jirta, waxayna maamulka gobolka iyo dowladda ka codsadeen in wax laga qabto.

Ilaa hadda ma jirto cid u dhimatay xanuunka laga soo sheegayo tuulada Dhurbo, balse waxaa u jiifa badi dadka deegaanka.

Arrintan ayaa timi ka dib markii dufaanta Chapala ku dhufatay gobolka Gardafuu ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM