Puntland: Daacish oo weerar ku qaadey saldhig ciidan

Image
Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin.

BOOSAASO, Puntland - Degmada Bali-dhidin ee gobalka Bari ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la weeraray saldhig ciidanka Puntland ay halkaasi ku leeyihiin iyada oo uu weerarka ka dhashay khasaare kala duwan.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bari ee Puntland, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay ka dambeysay weerarkaas.

"Weerarka waxaa soo qaaday kooxda Daacish. Ciidanka waxaa ka shahiiday hal askari, dhinacooda hal nin oo aan u malaynayo in uu ajnabi yahay ayaa kaga dhintay," ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyey hadalkiisa: "Ninku wuxuu wataa qalabka miino baarka". Hase ahaatee, taliyaha ma shaacin magaca sarkaalkaas iyo waddanka uu kso jeedo.

Dagaalka ayaa markii hore bilawday lix saac oo habeenimo iyada oo taliyuhu sheegay in Daacish ay soo rogaal celiyeen mar labaad isla markaana la isla gaaray 03:00 AM ee xiliga danbe.

Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin, Mohamed Ahmed Muumin. Xubnaha ISIL ayaa waxay ku dhuumaaleystaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM