​Puntland: Dad calaamadsaday qaybo kamid Garoonka diyaaradaha Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Maamulka gobolka Nugal, ayaa xaqiijiyay in la caalamadaystay qaybo kamid ah Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo hadda dhismihiisu marayo heer gabo gabo ah.

Ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Nugal, Qaasim Maxamed Cabdi, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay inay xalay dad ku dhaqan magaalada Garowe Cagaf cafag galiyeen qaybo kamid ah dhulka loo asteeyay madaarka diyaaradaha Garowe.

Qaasim ayaa sheegay inay hayaan magacyada dadka ku dhaqaaqay tallaabadaas dhawaanna la soo taagi doonaan maxkamad, wuxuuna maamulka degmada Garowe iyo laamaha ammaanka faray inay gacanta kusoo dhigaan.

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku dhacday in la calaamadeeyo dhul kamid ah Garoonka iyadoo ay joogaan ciidamo islamarkaana kaabiga ku hayo Kantaroolka Bari, ayuu xusay in lagu beegay xilli dambe, isagoo hadalkiisa raaciyay dhulka Garoonku yahay mid aad u ballaaran.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay ciidamo wardiyeeya u sameeyeen Layrarka cad-ceedda ku shaqeeya ee ku xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Garowe, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi gacan weyn ka gaysteen shacabka magaalada Garowe.

Tallaaboonka is-xigay ee maamulka gobolka Nugal ka hadlayo, ayaa ah howlo ay u xilsaarantahay degmada Garowe, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kuwaasoo ku saabsan cidda xaday Batariyada waddooyinka iyo sidoo kale dadka calaamadaystay garoonka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM