Puntland: Dayaca wadooyinka Garowe oo waji hor leh galay

Image
Duqii degmada Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, ayaa ku mashquulsan yahay Doorashooyinka lagu muran-san yahay.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa ka da'ay habeen hore roobab lagu diirsaday iyaga oo biyo dhigay inta badan wadooyinka magaalada caasimadda ah.

Shacabka Garowe ayaa cabasho xoogan ka muujinaya bur-bur xoog leh oo ka muuqda wadooyinka caasimada gaar ahaan wadada Bulsho.

Mid kamid ah waxgaradka Garowe ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online: "Bur-burka iyo dayaca ka muuqda wadada Bulsho waa mid aanan indhaha laga qarsan karin".

Dadwaynaha ayaa is-waydiinaya xilligaan ay wadooyinka Garowe duruufaha qalafsan waajahayaan in duqii degmada Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi uu ku mashquulsan yahay Doorashooyinka lagu muran-san yahay taasi oo ay qaadaceen ururada siyaasadda Puntland qaybtood.

Wadadaan oo horey loo dhisay ayaa haatan gebi ahaanba isku badashay Boholo iyo godad iyada oo inta badan ay ka wareegaan Baabuurtu kuwaasi oo ka leexanaya in dhibaato ay kasoo gaarto Gaadiidkooda.

"Wadadaan waxaa ka roon haatan kuwa aan laamiga ahayn waxaa noo roonaan lahayn in gebigeedaba la burburiyo oo ciid nalooga shubo. sida ay haatan tahay lama eegan karo," ayuu yiri.

Xukuumadda Puntland ee muddo xileedkeeda ay bilooyinka uga hareen ayaa lagu dhaliilay in ay kaga mashquushay wax ka qabashada magaalooyinka ololayaasha siyaasadeed iyo isu-soo baxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM