Puntland: Degmada Qandala oo xasiloon

Image

BOSASO, Puntland- Xaaladda magaalada Qandala ee gobolka Bari, ayaa maanta dagan kadib duqaymo dhinaca badda ka imaanayay oo ilaa shalay la maqlayay halkaas.

Waxaa gabi ahaanba Qandala isaga qaxay dadkii ku noolaa iyagoo soo gaaray magaalada Bosaso iyo tuulooyin ku teedsan xeebta.

Maamulka gobolka Bari, ayaa kulamo kala duwan la qaatay bulshada iyo hay'adaha deeqaha bixiya, waxaana la sheegay inay kala hadleen sidii muwaacino loo soo gaarsiin lahaa dadka kusoo barakacay dagaal laga cabsi qabo inuu Qandala ka qarxo.

Qaar kamid ah bulshada soo barakacday, ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladoodu liidato islamarkaana aysan jirin cid kaalmo soo gaarsiisay, hadii ay ahaan lahayd dhinaca dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah.

Madaxweyne Gaas, oo shalay Bosaso ka hadlayay, wuxuu sheegay inay dowladdu caawin doonto dadka waxyeelladu kasoo gaarto howlgalka ka dhanka ah kooxda sheegatay Daacish ee ku sugan Qandala.

Wararku, waxay intaas ku darayaan in ciidamada difaaca Puntland kusii siqayaan magaalada Qandala oo ay ku suganyihiin koox 50 qof lagu qiyaasay oo Daacish xiriir la leh.

Dhinca badda, waxaa sidoo kale ku sugan maraakiib Ajnabi ah oo ilaa shalay qantaalo kusoo ridayay Qandala.

Lama oga khasaaro howlgalkaas ka dhashay, waxaana gabi ahaanba haawanaysa degmadaas qadiimiga ah.

Waa markii ugu horaysa koox sheegata Daacish ay ku sugnaadaa degmo kamid ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM