Puntland: Deni oo gudbinaya musharaxiinta Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu dib ugu soo laabtey laguna soo daweeyay magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Guddoomiye ku xigeenka 1aad GW DPL , Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Ciidan ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta.

Soo dhaweynta kadib, Deni ayaa Aqalka Madaxtooyada wuxuu kulan albaabadda u xiran yihiin kula qaatay Guddoonka Golaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wali lama shaacin tafaasiisha kulanka. Hase ahaatee, warar soo baxaya waxay tibaaxayaan in diiradda ay saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda gudaha iyo tan federaalka waddanka.

Dhanka kale, Deni ayaa la filayaa in uu u gudbiyo golaha wakiiladda musharaxiinta Aqalka Sare, sida warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo xog ogaal ah oo loo qaateen ah.

Xulista Senators-ka federaalka Soomaaliya ayaa loo muddeeyay 25-ka July, 2021 oo ku beegan Axada todobaadka dambe, waxaana ay soconeysaa illaa 28-ka bishaan Julaayo, sanadkan 2021-ka.

Puntland ayaa 11 xubnood ku leh Aqalka Sare ee Soomaaliya kaasoo metela dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah xukuumadda federaalka, sidda uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM