Puntland: Dhismaha goleyaal degaan oo dib loo dhigay

Image
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xustey in dib-u-dhacan ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan fahfaahin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey in dib loo dhigay dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo ku qorshaysnaa 27ka January 2022.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa shaaca ka dhigtey in dib-u-dhacan ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan bixin tafaasiil dheeraad ah.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay dhammaan inta ay quseyso ka raaligelinaysaa in Wasaaraddu go'aan ku gaartay in aan dib u dhigno dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo ku qorshaysnaa 27ka January 2022 si aan u dhammeyno hawlo farsamo oo ay tahay in la qabto ka hor inta aan la fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee ku yimid doorashadii 25kii October 2021," ayay tiri.

Qoraalka waxay raacisay: "Waxaan mar labaad ka cudur daaranaynaa dib u dhaca ku yimid dhismaha Degmooyinka kor ku xusan. Wasaaradda ayaana dib ka soo sheegi doonta wakhtiga la qabanayo InshaAllaah".

Horaantii bishan Janaayo sanadka cusub ee 2022-ka ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha guduhu ay muddeysay dhismaha goleyaasha degaanka iyo doorashadda guddoomiyaasha degmooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM