Digniin laga soo saarey sare u kaca kiisaska Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilawgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro.

Mr Xasan ayaa shacabka faray inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka, kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Puntland ayuu xusay in uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

In badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku ayuu tibaaxay in aysan tallaalka qaadan, "waxaana rajaynayaa inay qataan si ay uga badbaadiyaan naftooda. Wadamada caalamka tallaalka qaatay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu hoos udhacay".

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad aan amaro culus soo saari doono anaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM