Puntland: Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo bilaabatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Degaanada Puntland ayaa waxaa Axada maanta ah si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashadda goleyaasha degaanka oo loo madalsan yahay bisha October sanadkan 2021.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], ayaa daahfuray diiwangelinta codbixiyayaasha degmooyinka Doorashada hordhaca ah laga qabanayo ee Qardho, Ufeyn iyo EYL.

Madaxtooyada Puntland ayaa talaabadan waxay ku tilmaamtay "mid taariikhi ah", waxaana ay xustey in ay bilow wanaagsan u tahay halganka maamukan ugu jiro in uu ka gudbo nidaamka qabiilka ah.

Cabdiwali Timacade, agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Puntland oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in diiwaan-gelinta ay si fiican kusoo dhamaato.

"Maanta waa maalin Tariikhi ah, Waxaa Magaladda Qardho Madaxweyne Ku xigeenka DPL, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ka xarig jaray Diiwan Gelinta Codbixiyayaasha degmooyinka Doorashada hordhaca ah laga qabanayo ee Qardho, Ufeyn iyo EYL," ayuu yir.

Wuxuu ku daray: "Tilaabadaan waxay tusaale u tahay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay hirgaliso nidaamka Xisbiyada Badan, oo ay Shacab Puntland sugayeen muddo badan. Dowlaadu waxay bixisay miisaaniyadii loogu talagay diyaarinta qabashada doorashada golayaasha Deeganka, si Guddiga Doorashooyinka Puntland ay si hufan oo madax banaan u fuliyaan shaqooyinka u qorshaysan".

"Dowladdu waxay dhaqalo ahaan taageeraysa Ururada Siyaasada ee Doorashada Golayaasha degaanka Ka qayb galaya," ayuu ka dhawaajiyey Mr Timacadde.

Timacade ayaa kusoo xiray: "Waxaan ku dhiiri galinayaa dhamaan bulshada degmooyinka diiwan galinta laga hirgalinayo in ay is diiwan galiyaan taas oo ah xaq siyaasi ah oo qof kasta leeyahay. Degmooyinka kalena sidaas oo kale ayaa looga hirgalin doona".

Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa hogaaminaya geedi-socodkan oo la filayo in uu noqdo mid laf-dhabar u noqon doona in Soomaaliya ay afar sano kadib ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM