Puntland: Dimuqraadiyada aan lagu dhaqmin ee loo ololaynayo

Image
Hoos-u-dhac weyn ayaa ka muuqda kaalinta jiilka cusub gaar ahaan dhalinyarada ee ka qeybgalka barnaamijka.

GAROWE, Puntland – Doorashada Puntland 2024 oo ay ka hartay sanad ah ayaa waxaa muuqata in xukuumada waqtiga kasii dhamaanayo ay dooneyso in ay dadka ku jah-wareeriso coddeynta lagu muransan yahay ee qof iyo cod.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdifaarax Saciid Juxa oo hormuud u ah barnaamijkan buuqu hareeyay, ayaa horay u sheegay in mashruucan uu saqiirtay kadib markii uu is-casilay Gudoomiyihii hore ee guddiga KMG ee doorashooyinka Guuleed Saalax.

Juxa oo horey wasiir uga ahaa xukuumadii Faroole ayaan ka mid noqon ururka Horseed oo xukuumadii xilligaas badankeed ku jireen. Sidoo kale, haatan waxa uusan kamid ahayn ururada dhanka kalana isku sheega mid kasoo horjeeda habka qabiilka.

Jamaacadaha magaalooyinka

Jamaacadaha ku yaalla magaalooyinka gaar ahaan caasimadda Garowe ayaa kamid ah meelaha ay dowladda sidda weyn uga waddo ololaha dimuqraadiyadda wallow qudheeda ay far ku go’an tahay qaabka ay u maareeyaan doorashooyinkooda.

Qaar kamid ah ardayda jaamacadaha ayaa soo wariyey in doorashooyin lagu xulo hogaanka ururka ardayda ay yihiin "waraabe u taag" ama in maamulka jaamacadda ay soo xushaan qofka ay iyagu rabaan kadibna ardayda u coddeeyaan.

"Markasta jaamacadaydu waxay doortaan arday aan khibrad iyo fahan lahayn oo iyadu ay galiso qorshaha is-sharixista sidaasna ay kusoo saarto ayna ku maamusho ururka ardayda waana sababta uusan jaamacadaha Garowe marna uga soo bixin Hogaamiye muuqda," ayuu yiri mid kamid ah ardayda oo sababo la xiriira badqabkiisa uga gaabsadey magaciisa.

Dhalinyarada iyo ka qeybgalka

Hoos-u-dhac weyn ayaa ka muuqda ka qeybgalka jiilka cusub gaar ahaan dhalinyaradda marka ay timaado is-diiwaan-gelinta iyo in ay kaalin ku yeeshaan ololaha ururadda siyaasadda taasoo loo aaneynayo wacyi-gelin iyo biseyl la’aan.

"Sidoo kale, waxaa jirta in dhalinyaradda qeybtood ay quudareynayaan ururka dowladda ee KAAH sababo mansab ama dhaqaale taasoo meesha ka saareysa tartanka fikirka ee xudunta u ah dimuqraadiyada," ayay xuseen dad xog ogaal ah.

Soomaalida qurba-joogta ah ee kamidka ah xisbiyadda dalalka ay joogaan ayaa kaalin firfircoon soo bandhigay sanadihii ugu dambeeyay waxaana ugu wacan in ay diiradda saaraan taageerida aragtida siyaasadeed ee axsaabta ay ku jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM