Puntland: Diyaaradaha gurmadka ka dejiyey Garowe masoo dirin DF

Image

QARDHO, Puntland – Dowlada Puntland ayaa ganafka ku dhufatay in saddex diyaaradood oo agab aan cunto ahayn ka dejiyey caasimada Garowe ay soo dirtay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegay in agabkaas uu yimid Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR.

Tabarucaadaas oo qayb ka ah gurmadka magaalada daadadku harqiyeen ee Qardho ayaa loogu talagalay ku dhowaad kun qoys, sidda ay ka dhawaajiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Guddiga Gurmadka.

Diyaaradaha sidday agabka ayaa ka yimid magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, halkaas oo laga soo daabulay alaabta muhiimka ah.

"Waxaa isoo gaaraya macluumaad sheegaya in mas'uuliyiin reer Puntland ku meleta dowladda dhexe oo maanta [Jimcadii, 1-da May, 2020] u yimid in dadkooda dhibaatadu gaadhay ay soo booqdaan in ay sheeganayeen in [alaabta] ay ka timid dowladda federaalka ah; sidaas maahan alaabtaas waxay ka timid Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay baa lahayd," ayuu yiri.

Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa si been abuur ah u faafiyey in dowladda federaalka ah ay dirtay agabkaas, talaabadaas oo lagu tilmaamay "sumcad ku raadin iyo olole siyaasadeed".

Villa Soomaaliya ayaa gurmadka loo fidinayo shacabka ku ceeyrtoobay fatahaadaha Qardho ku taakuleysay hal milyan oo Doolar.

Dhanka kale, wasiir Dhabancad ayaa tibaaxay in ay gurmad horleh soo gaarayaan isla markaana ay kuwa kale rajeynayaan.

Dadweynaha Puntland, kuwa Muslimiinta iyo Soomaalida ayaa kaalin weyn ka cayaaraya gurmadka oo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u saartay guddi balanqaadey hufnaan iyo sinnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM