Puntland: Diyaaradaha gurmadka ka dejiyey Garowe masoo dirin DF

Image

QARDHO, Puntland – Dowlada Puntland ayaa ganafka ku dhufatay in saddex diyaaradood oo agab aan cunto ahayn ka dejiyey caasimada Garowe ay soo dirtay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegay in agabkaas uu yimid Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR.

Tabarucaadaas oo qayb ka ah gurmadka magaalada daadadku harqiyeen ee Qardho ayaa loogu talagalay ku dhowaad kun qoys, sidda ay ka dhawaajiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Guddiga Gurmadka.

Diyaaradaha sidday agabka ayaa ka yimid magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, halkaas oo laga soo daabulay alaabta muhiimka ah.

"Waxaa isoo gaaraya macluumaad sheegaya in mas'uuliyiin reer Puntland ku meleta dowladda dhexe oo maanta [Jimcadii, 1-da May, 2020] u yimid in dadkooda dhibaatadu gaadhay ay soo booqdaan in ay sheeganayeen in [alaabta] ay ka timid dowladda federaalka ah; sidaas maahan alaabtaas waxay ka timid Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay baa lahayd," ayuu yiri.

Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa si been abuur ah u faafiyey in dowladda federaalka ah ay dirtay agabkaas, talaabadaas oo lagu tilmaamay "sumcad ku raadin iyo olole siyaasadeed".

Villa Soomaaliya ayaa gurmadka loo fidinayo shacabka ku ceeyrtoobay fatahaadaha Qardho ku taakuleysay hal milyan oo Doolar.

Dhanka kale, wasiir Dhabancad ayaa tibaaxay in ay gurmad horleh soo gaarayaan isla markaana ay kuwa kale rajeynayaan.

Dadweynaha Puntland, kuwa Muslimiinta iyo Soomaalida ayaa kaalin weyn ka cayaaraya gurmadka oo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u saartay guddi balanqaadey hufnaan iyo sinnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM