​Puntland: Doonyo kalluumaysi oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO-Taliyaha ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirasaaq Diiriye Farax,oo warbaahinta kula hadlayay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, ayaa ka warbixiyay doonyo lasoo qabtay iyagoo jariif kawada nawaaxiga degmada Qandala gobolkaasi.

Admiral Cabdirasaaq, ayaa sheegay in doonyahan laga leeyahay dalka Iran, islamarkaana saarnaayeen dad uusan caddayn tiradooda kuwaasi oo Somali iyo ajaanib isugu jiray.

Wuxuu tilmaamay in sharciga la horgayn doono dhammaan dadkaasi oo xusay inay isku danbiyihiin.

Taliyaha, ayaa sidoo kale ammaanay shaqada ciidamada Badda Puntland isagoo ku sifeeyay halyeeyo dadka iyo dalka u adeegaya.

Cabdirasaaq Diiriye ayaa sheegay in shantaasi doonyood badda Puntland ku hayeen jariif islamarkaana ku xadgudbeen sharciga waddanka u yaalla.

Arrintan, ayaa timi xilli shalay qaylo dhaan xooggan katimi tuulada Marraya gobolka Nugal, halkaasi oo dadka deegaanka ka codeen jariiflayaa barriga soo gaaray islamarkaana rasaaseeyay shacabka iyagoo guranayay agab Kalluumaysiga u sahlaya.

Waxaana gudoomiyaha tuuladaasi Radio Garowe u xaqiijiyay in ciidamada badda Puntland oo lagu wargaliyay arrintaasi u sheegeen inaysan mandate u haysan wax ka qabashada jariiflayaashaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM