​Puntland: Doorashada 12 Xildhibaan Aqalka hoose oo lasoo gaba-gabeeyay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ergooyin 102 qof ah oo ka kala socotay beelaha Cali Jibrahiil iyo Dishiishe, ayaa maanta doortay labada Xildhibaan ee ugu dambaysay mudanayaal gaaraya 12 Xildhibaan oo dhawaan u yeereen guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland.

Ergada beesha Dishiishe, ayaa u codaynaysay murashaxiinta labo ah oo u tartamaya kamid noqoashada xubnaha Aqalka hoose ee Puntland u matali doona Barlamanka Federaalka Somalia.

Murashaxiinta kala ah; Axmed Cali Xirsi iyo Cabdullaahi Bile Nuur

Waxaa guulaystay; Cabdullaahi Bile Nuur oo helay codad gaaraya 39 cod, halka ninka la tartamay ee uu helay 10 cod, waxaa xumaaday Labo cod.

Dhinaca kale kursiga 11aad oo ay ku loollameen saddex murashax oo kala ahaa; Siciid Faarax Maxamuud Oja, Maxamed Axmed Kulan iyo Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, ayaa ku tartamaya kursigaas oo codayntiisa goordhow lasoo afmeerayo.

Waxaa booskaas kusoo baxay; Cabdicasiis Maxamed Maxamuud  Qambi,

Mar uu ka Warsidaha GO uga waramay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashadiisa isagoo tilmaamay inuu ku dadaali doono sidii ay usoo dooran lahaayeen Guddoomiye iyo madaxweyne dalka waxtara.

Goobta doorashada oo ah jaamacadda Bariga Africa qaybta Garowe, waxaa ku sugan mas'uuliyiin ka socotay UNSOM, guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kor joogto la socotay doorashada.

Guddiga doorashada, ayaa maalmaha soo socda iclaamin doona waqtiga loo yeerayo Ergooyinka dooran doona Xildhibaanada haray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM