Puntland: Doorashada gudoonka saddex degmo oo la muddeeyay

Image
Muddeyntan waxaa qeyb ka ah fariisinta goleyaasha degaanka degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa muddeysay fariisinta goleyaasha degaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sida ku xusan bayaankan, fadhigaas iyo doorashadda guddoomiyaasha degmooyinka waxay qabsoomeysaa 7 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka *27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo*.

Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad *Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.*

2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan *Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.*

3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.

4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG. Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.

Ugu dambeyn, waxaa laga codsanayaa dhammaan in wakhtiga la illaaliyo.

DHAMMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM