​Puntland: Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lasoo gaba gabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa hoolka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, lagusoo afmeeray doorasho waqti badan qaadatay oo loogu codaynayay murashaxiinta xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee dowladda Federaalka Somalia kuwaasoo gaaraya 11 kursi.

Xildhibanada Puntland, ayaa codka kalsoonida siinayay murashaxiin kala duwan oo ku loollamayay xubnaha Puntland ka heshay Aqalka Sare.

Doorashada, waxaa kusoo baxay xubno la saadaalinayay iyo kuwo kale oo si lama filaan ah uga guulaystay shakhsiyaad ay dowlladda Puntland wadatay, waxaana xubnaha la doortay kala ahaayeen;

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
  2. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole
  3. Prof. Cabdirasaaq Xasan Cismaan Juriile
  4. Farxaan Cali Xuseen
  5. Cabdisalaam Xaaji Maxamud Dheere
  6. Mahad Sheekh Nuur
  7. Hodan Maxamud Cusmaan
  8. Bootaan Barre Bootaan
  9. Maxamud Axmed Maxamuud (Mashruuc)
  10. Siciido Xasan Cismaan
  11. Iyo Shukri Aadan Maxamed.

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Federaalka Somalia ee heer Puntland, ayaa hambalyo u diray dhammaan xubnaha guulaystay, iyagoo kuwa laga guulaystayna ku tilmaamay shakhsiyaad muujiyay karti iyo xufnaan.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa Xildhibaanada ku ammaanay siday u kala saareen shakhsiyaadkii tartamay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, oo munaasabadda soo xiray, ayaa sheegay inay tahay guul usoo hoyatay shacabka iyo dowladda Puntland doorashada xubnaha Aqalka Sare, wuxuuna intaasi ku daray inay noqdaan xubno matala meesha laga soo doortay maadam Federaalka waxna lawada leeyahay qaybna gaar loo leeyahay.

Xubnahan ayaa lagu dhaarin doonaa magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Doorashada, xubnahan ayaa timid maalin kadib markii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Xildhibaanadoodu u codeeyeen xubnahooda Aqalka sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM