​Puntland: Faah-faahin dooni ka fakatay Bosaso

Image

BOSASO- Waxaa xalay dekedda Bosaso xarunta gobolka Bari ka furatay doon laga leeyahay dalka Iran taasi oo lagu soo qabtay howgal xeebaha Puntland ka sameeyeen ciidamada Baadda ee PMPF 01 December, 2015.

Doonta oo xilli dambe furatay, waxaa ka dhashay rasaas ciidamda goobta ku sugnaa rideen kuwaasi oo laga maqlay magalada Bosaso, waxaana faah faahin ka bixiyay wasiirka Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad-beeda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Wasiirka, ayaa xusay inay baarayaan sida falkaasi u dhacay isagoo eedeeyay ciidamada Badda Puntland, oo uu sheegay inay rideen rasaasta, wuxuuna xusay inaysan awood u lahayn ka howl galidda dekedda Bosaso.

Saalax, ayaa xusay inaysan wasaaradiisu hayn dukumenti la xiriira eedaha lagu  soo qabtay isagoo sheegay inay xogteeda haysay wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, isagoo intaasi raaciyay inaysan shaqo ku lahayn wixii ku saabsan doonta fakatay.

Wasiirka mar wax laga weydiiyay qaabka doontaasi loogu ogolaaday naakhuudayaasha, wuxuu tilmaamay inay tahay khalad dhacay, balse socdaan baaritaano ku aadan sida falkaasi u dhacay isagoo sheegay in ciidamadii goobtaasi ku sugnaa rasaastana riday la weydiin doono.

Doonta baxsatay, ayaa la sheegay inuu iska mas'uul ka yahay nin lagu magacaabo Siciid Guulle oo inta badan soo kiraysta doonyahay Iraaniyiinta ka jariifta xeebaha Puntland, waxaana wararka Garowe Online helayo sheegayaan in naakhuudayaasha labadaasi doonyood muddo dhan Saddex bilood iyo 15 casho lagu hayay magalada Bosaso, waxaana gacanta ugu jireen ciidamda Boliiska kuwaasi markii dambe lahaa amarka doonyaha lagu saaray naakhuudayaasha.

Mudada doonyuhu ku sugnaayeen Bosaso majirto wax maxkamad ah oo la geeyay iyo ganaax lagu soo rogay.

Arrintan, ayaa daba socoto xilli inta badan ciidamada badda Puntland sameeyaan howl gallo lagu soo qab qabto doonyo badan oo ilaa hadda badankood aysan jirin maxkamad la geeyay marka laga reebo tiro yar.

Kalluumaysatada dhibaatadu soo food saartay ayaa dowladda Puntland ka codsada inay wax ka qabato jariifka lagu hayo xeebaha Puntland, xilli arrintaasi Madaxweyne Gaas sanadkii hore ku tilmaamay masiibo qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM