​Puntland: Faah-faahinta dagaalka Nugal

Image

GAROWE-Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay deegaanka Suuj oo katirsan degmada Dangoroyo, wuxuuna xusay in ilaa 15 dagaalyahan laga dilay kooxaha kasoo horjeeda ciidanka dowladda ee loo nisbaynayo kooxda Al-Shabaab.

Cumar Faraweyne oo la hadlay laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa dhanka ciidanka dowladda sheegay inay dhaawacyo fudud soo gaareen 2 kamid ah ciidanka difaaca.

Faraweyne, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan deegaano kale oo ay ku wajahanyihiin ciidanka dowladda, halkaasi oo ay ku jiraan mallayshiyaad hubaysan.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in waqti dhow kasifayn doonaan kooxdan dhamman deegaanada Puntland.

Dagalkan oo weli socda, waxaa isku horfadhiya ciidamo katirsan dowladda Puntland iyo koox hubaysan oo kasoo tagtay deegaanka Garmaal, waxaana la xaqiijiyay in firxad ka haray kooxdaasi galeen godod(Boholo), ku yaalla deegaankaasi.

Warar kale oo ka helayno deegaanka Garacad ayaa sheegay in halkaasi ku suganyihiin kooxo hubaysan, waxaana qof reer miyi ah soo wariyay inuu arkay tirada ku dhawaad 300 oo mallayshiyo, wuxuuna xusay inay raadinee quud maadama ay ka muuqatay rafaad xooggan, isagoo xusay inuu ka iibiyay ilaa 6 neef.

Arrintan ayaa laga dareemay dhammaan deegaanada Puntland, iyadoo ay socdaan qaban qaabo gurmad ka imaanaysa dhanka shacabka iyo dowladda.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa qorshaha Al Shabaab ee Puntland ku sifeeyay dhawr waxyaabood oo kala ah; Khal-khal amni oo la rabo in la abuuro maadama ay diideen nidaamka 4.5, is-ballaarsi kooxda Shabaab doonayso inay kasamayso Somalia iyo qorshe xeeladaysan oo ay doonayaan inay ugu gudbaan buuraha Galgala oo horay ugu sugnaayeen kooxo katirsan Daacish iyo Shabaab.

Dowladda Puntland, ayaa ugu damabyn waxay sheegtay in howlgalkan kusoo afjari doonaan 72-saacadood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM