​Puntland: Faah-faahinta dagaalka Nugal

Image

GAROWE-Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay deegaanka Suuj oo katirsan degmada Dangoroyo, wuxuuna xusay in ilaa 15 dagaalyahan laga dilay kooxaha kasoo horjeeda ciidanka dowladda ee loo nisbaynayo kooxda Al-Shabaab.

Cumar Faraweyne oo la hadlay laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa dhanka ciidanka dowladda sheegay inay dhaawacyo fudud soo gaareen 2 kamid ah ciidanka difaaca.

Faraweyne, ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan deegaano kale oo ay ku wajahanyihiin ciidanka dowladda, halkaasi oo ay ku jiraan mallayshiyaad hubaysan.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in waqti dhow kasifayn doonaan kooxdan dhamman deegaanada Puntland.

Dagalkan oo weli socda, waxaa isku horfadhiya ciidamo katirsan dowladda Puntland iyo koox hubaysan oo kasoo tagtay deegaanka Garmaal, waxaana la xaqiijiyay in firxad ka haray kooxdaasi galeen godod(Boholo), ku yaalla deegaankaasi.

Warar kale oo ka helayno deegaanka Garacad ayaa sheegay in halkaasi ku suganyihiin kooxo hubaysan, waxaana qof reer miyi ah soo wariyay inuu arkay tirada ku dhawaad 300 oo mallayshiyo, wuxuuna xusay inay raadinee quud maadama ay ka muuqatay rafaad xooggan, isagoo xusay inuu ka iibiyay ilaa 6 neef.

Arrintan ayaa laga dareemay dhammaan deegaanada Puntland, iyadoo ay socdaan qaban qaabo gurmad ka imaanaysa dhanka shacabka iyo dowladda.

Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa qorshaha Al Shabaab ee Puntland ku sifeeyay dhawr waxyaabood oo kala ah; Khal-khal amni oo la rabo in la abuuro maadama ay diideen nidaamka 4.5, is-ballaarsi kooxda Shabaab doonayso inay kasamayso Somalia iyo qorshe xeeladaysan oo ay doonayaan inay ugu gudbaan buuraha Galgala oo horay ugu sugnaayeen kooxo katirsan Daacish iyo Shabaab.

Dowladda Puntland, ayaa ugu damabyn waxay sheegtay in howlgalkan kusoo afjari doonaan 72-saacadood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM