Puntland: Gaari siday qoys reer Miyi ah oo Gadoomay

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland- Gaari ah nooca xamuulka qaada oo siday qoys reer guura ah, ayaa abaare 03 habeenimo ee xalay ku gadoomay nawaaxiga degaanka Sheerbi oo katirsan degmada Waaciya ee gobollka Karkaar.

Shilkaas ayaa sababay khasaaro laxaad leh oo soo gaaray dadkii iyo duunyadii saarnaa, sida uu GO u xaqiijiyay wariye la kulmay dhacdadaas oo lagu magacaabo Daa’uud Giirow.

Sawirro uu soo qaaday ayaa muujinay mashaqada halkaas ka dhacday waxaana shilkaas ka bad-baaday ilmo yar oo kamid ahaa dadkii saarnaa.

Waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo labo kamid ah xaaladooda ay liidato kuwaasoo la sheegay inay Koomo ku jiraan. Darawalkii baabuurka ayaa kamid ah dadka dhaawacmay.

In kabadan 70 neef ayaa sidoo kale ku naf-waayay shilkaas.

Lama oga waxa keenay inuu gaarigu dhaco, balse xilliga uu gadoomay wuxuu marayay dalcadda Sheerbi.

Gaarigan ayaa reerka ka keenay goobihii reer guuraagu u hayaameen dhammaadkii sannadkii hore ee gobolka Karkaar.

Wuxuu kusii jeeday deegaanka Ceel-afweyne ee maamulka Somaliland.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday degmada Qardho halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Maaha shilkii ugu horeeyay ee ka dhaca deegaanada Puntland oo soo wajaha qoysas reer guura ah, waxaana dhawaan sidaas oo kale shil u galay qoys reer Miyi ah oo ku sugnaa nawaaxiga deegaan Ceelbuh ee gobolka Nugal.

Shilalka ayaa inta badan waxay ka dhashaan, baabuurta oo si xad-dhaaf ah loo raro islamarkaana lagu kaxeeyo xawaare sare iyo darawaliinta oo gawaarida kaxeeya iyagoo hurdaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM