Puntland: "Gaas ayaa qaadaya mas'uuliyadda carqalad ka dhacda doorashada" [ Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed [Faroole], oo kamid ah siyaasiyiinta sida dhow ugu dhuun-duleela arrimaha Puntland oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah, oo amniga iyo doorashada ay kamid yihiin.

Maxamed A. Faroole yaa codkiisa ku biiriyey walaac ku aadan in doorashadda ay dib u dhac ku timaado, maadaama Madaxwayne Gaas uusan wali caddeyn doorashada, iyo qaabka uu rabo inay u dhacdo, iyadoo taasi ay dheer tahay inuusan ilaa hadda dhisin gudiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Wuxuu xusay in Gaas uu tirro dhowr jeer ka gaabsaday inuu bidhaamiyo dareenkiisa doorashada, xilli beelaha ay ku gudo jiraan soo xulashada Xildhibaanada Aqalka Wakiiladda.

Maxamad Cabdiraxman oo horey u soo noqdey agaasimaha ciidamada Badda Puntland ayaa ka hadlay dhibaatooyinka amniga, musharaxiinta iyo madaxda hay’addaha Amniga ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Puntland. 

Wareysiga oo dhameytiran Riix Halkaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM