Soomaaliya: Gaas oo u diidey in Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigo Wadada Ceel-daahir

Image
Image

GAROWE - Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo booqasho ku maraya gobolada Puntland gaar ahaan gobolka Barri ayaa wararka GO helayo sheegayaan in maanta uu diidmo kala kulmey Madaxweyne Gaas kadib markii uu damcey inuu dhagax dhigo wadada isku xirta Tuulada Ceel-Daahir iyo Degmada Baran.

Wararka ayaa sheegaya in istaag waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyeen tuulada Ceel-Daahir oo ka tirsan gobolka Barri, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhamaan Issimada gobolka Sanaag iyo Hayland gaar ahaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salaan, ganacsato, culimaa'udiin iyo dadweyne farabadan, uu Madaxweyne Gaas si buuxda u diidey in Mudane Farmaajo socod ku maro dhismaha wadadaas islamarkaana si ku sharfid ah u dhagax dhigo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sababeeyey diidamadiisa in maamulka Somaliland dhibsanayo islamrkaana sababi karto in ay weerar ku soo qaadaan waftiga Farmaajo iyo magaalada Garoowe taasoo waji gabax ku noqotey siyaasiyiinta, issimada iyo dadweynaha kasoo jeeda gobolada Sanaag iyo Hayland oo halkaas ku sugnaa.

Mudane Farmaajo ayaa raali galin ka sameeyey diidamada Madaxweyne Cabdiweli Gaas isagoo sheegey inuu marti yahay islamarkaana culeysyo haysta dartiis loogu dulqaato barnaamijka baaqashada dhagax dhiga.

Dhismaha Wadada isku xiryesa Ceel-Daahir iyo Baran oo shacabka Puntland qayb libaax ka qaateen dhismihiisa ayaa waxaa dhowaan booqdey Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga dowlada Federaalka Jamaal Xasan isagoo safarkaas noqdey mid albaabaka u fura in  goboladaas yihiin kuwo la tago karo lagana caawini karo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Warar ayaa sheegaya in Maaxweyne Gaas raali ka aheyn booqashadii heerka sare aheyd ee Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ku tagey gobolka Sanaag isagoo mar taleefan uu kula hadlay welwel ka muujiyey sida safarkaan loo agaasimey oo heersare aheyd.

Wadada ayaa horey loo dhagax dhigey iyadoo dhismaha ku socdo inkastoo dadka maamulaya mashruucaan aaminsan yihiin dhagax dhiga Madaxweyne Farmaajo u soo kordhin laheyd maalgalin ay ka helaan Dowlada Federaalka.

"Talaabada Madaxweyne Gaas ku diidey maanta in Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigo Wadada isku xireysa tuulada Ceel-daahir iyo Baran waa mid wadada u xaareysa sheekashada maamulka Hargeysa ee goboladaas halka dhinaca kale beesha caalamka tuseyso in degaanadaas yihiin kuwo la isku hayso." sidaas waxaa GO u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo kasoo jeeda goboladaas.

Diidamada Madaxweyne Gaas ee dhagax dhigaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada Somaliland dhowaan qabsadeen tuulada Tukaraq ee u jirta magaalada Garowe 86 KM kuwaasoo weerarkooda ku macneeyey in booqashada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbaaninada ay sheegayaan.

Dhinaca kale diidmada Madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmeysa xilli uu 8 January baajiyey cud u sameyn lahaa doorashadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku mareyey maalmihii lasoo dhaafey deganada hoos yimaada Puntland ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Boosaaso halkaasoo uga sii gubi doono safar cirka ah ee uu ku tago doono magaalada Galakacayo.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM