​Puntland: Gaas oo furay Carwada Bandhiga Buugaagta Garowe (GIBF)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta magaalada Garowe si rasmi ah ugu daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta Garowe oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo caasumadda Puntland.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Africa, waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan golaha xukuumadda, in kabadan 50 qoraa oo isaga kala yimid daafaha Somalia, Suugaanley, Dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Daabaacada Kutubta Af- Somaliga ee SCANSOM iyo Machadka Cilmi baarista ee SIDRA, ayaa lagu soo bandhigay Buugaag kala duwan, Farashaxo, Suugaan, Dhaqanka iyo hidaha Somalida.

Maamulaha Machadka SCANSOM, Maxamed Sheekh Xasan iyo Guddoomiyaha SIDRA Guuleed Saalax, ayaa sheegay in barnaamijkan ay qabanayaan sanadkii saddexaad ujeedka loo sameeyayna ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa akhriska iyagoo u mahadceliyay dhammaan dadkii taageera ka gaystay qabashada howshan.

Qaar kamid ah Qoraayaasha lagu casuumay Bandhigay, oo ka hadlayay dareenkooda ayaa Puntland ugu baaqay inay door ku yeelato hormarin lagu sameeyo Afka Somaliga, waxayna tilmaameen in ujeedka ay isugu howleen wax Qorista ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Afkeena hooyo.

Madaxweynaha Puntland oo daah furay, Bandhigan iyo waliba buug uu qoray loo lagu magacaabo “A Challenging transition in Somalia”, ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay wadaan SCANSOM iyo SIDRA, wuxuuna ballan qaaday inay dhisi doonaan Xarun lagusoo nooleeyo Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida.

Barnaamijkan oo inta uu socdo sidoo kale lagu samayn doono, Doodo, Aqoon is-weydaarsi iyo Casharo ayaa socon doono muddo 4 maalmood ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM