Puntland: Gaas oo raaligelin ka bixiyay hadal uu ugu gefay Beelaha KG

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha uu waqtiga dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyay hadal uu dhawaan ka jeediyay degmada Baran, ee gobolka Sanaag kaasoo uu ugu gefay beelaha Koonfur Galbeed.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland, ayaa lagu sheegay in hadalkii Gaas ee kiciyay carada dadweynaha reer Koonfur Galbeed uusan ahaa mid si qaldan loo fasiray, islamarkaana ay raali-gelin ka bixinayaan.

Isagoo khudbad ka jeedinayay degmada Baran, Gaas ayaa yiri: “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Erayadan xanafta leh ayaa ka dhaliyay baraha bulshada [Social Media] dood kulul, iyadoo ay si weyn u dhibsadeen shacabka u dhashay Koonfur Galbeed, oo u arka gef iyo qalad weyn, oo meel looga dhacay sumcadooda, laguna bahdilay.

Gaas oo mudo-xileedkiisa uga hartay 3 bilood ayaa lagu eedeeyay inuu si ka fiirsi la'aan ah ugu hadlo hadallo muran dhaliya, sidoo kalena dhaawaca maqaamka Puntland, iyadoo siyaasiyiin ku eedeeyeen inuu maamulkan ka weeciyo hadafkii loo aas-aasay.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM