Puntland: Gaas oo safar Olole ah ku tagaya Badhan gobolka Sanaag

Image

QARDHO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar 18 September 2018 isagoo ujeedkiisu yahay inuu uga sii gubdo magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Soo dhaweyn kooban oo ay soo agaasimeen maamulka gobolka iyo Degmada ayaa loogu sameeyay Qardho, isagoo markaas kadib indho indhayn ku sameeyay Cisbitalka guud ee magaalada kaasoo uu dhisme ku socdo.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi dowladda katirsan ayaa caawa u hoyday xarunta gobolka Karkaar, waxaana la filayaa inuu subaxnimada hore ee maanta oo Arbaco ah ugasii gudbo magaalada Badhan halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada loogu jiro in xarigga laga jaro Jaamacadda Maakhir oo lagu dhisay Mashruuc ay ka tagtay Xukuumaddii hore ee uu hogaaminayay Madaxweyne Farole.

Wararka ku saabsan safarkaas ee soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas halkaas u tagayo sidii uu xarig jarka mashruucaas ugu faa'iidaysan lahaa Ololihiisa siyaasadeed ee doorashada soo socota.

Balse xukuumadda waqtigeedu dhammaadka yahay ayaa ku fashilantahay inay dhammaystir ku samayso mashaariic waaweyn oo uu kamid ahaa kii uu ku deeqay Midowga Yurub ee lagu dhisayay wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo, halka muran xooggan uu ku taaganyahay Mashruuc kale oo oo ay ku deeqday dowladda Jarmalka kaasoo lagu samayn lahaa Biyo Xireeno.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa markii ugu horaysay tagaya degmada Badhan tan iyo markii uu talada Puntland ku guulaystay 2014 inkastoo uu booqday waqtigii uu ku jiray Ololaha doorashada 2013 isagoo sameeyay Ballanqaadyo aan fulin.

Laakiin 5 sano kadib Gaas ayaa tagaya Badhan isagoo isu diyaarinaya inuu mar kale bulshada Puntland weydiisto codkooda walow uusan si rasmi ah u shaacin qorshahaas.

Muddo kobaan ayaa inaga xigta waqtigii ay dhici jirtay doorashada Puntland, waxaana hadda socda loollan xooggan oo u dhaxeeyay murashaxiinta raadinaysa kursigan.

Soo xulista Xildhibaanada ayaa ka socota Gudaha Puntland taasoo lagu salayn doono habka qabiilka 20 sano kadib Aas-aaskii maamulkan, xilli walbi xukuumaddan ay ballanqaaday inay dalka ka hirgalin doonto doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM