Puntland: Gaas oo u ambabaxay Garacad xilli Xiisad ay ka jirto

Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa wuxuu u amba baxay tuuladda Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug halkaasoo u tagey inuu kaga qayb galo munaasabad Dhagax dhig ah.

Socdaalkaan waxaa Madaxwaynaha Puntland ku wehlinaya wafuud isugu jira xubno ka kala tirsan Gollaha Sharci dejinta dowladda Puntland, Wasiiro xukuumadiisa ka tirsan, iyo xubno kale oo ka socda bulshada Mudug.

Ujeedka safarka Madaxweyne Gaas ee degaanka Garacad waxaa la fahansan yahay inay tahay soo dhagax-dhigida Dekad la qorsheynayo in laga hir-geliyo tuuladda Garacad, taasoo la sheegey iney maalgalin ku sameynayaan dadka dagan degaanka.

Maamulka Galmudug ayaa maalintii shaley war uu saarey digniin ka soo saarey in Ka qayb galka Ra’isal wasaare Khayre ee Dhagax dhigaan kuwaas oo sheegey in Madaxweyne Farmaajo horey Dhagax dhig ugu sameeyey dhisme Dekad ayaa yeelato Garacad. 

Gaas oo ku mashquulsanaa Afartii sano iyo Barkii la soo dhaafey inuu Dhagax dhigo mashaariic kala duwan degaanada Puntland ayaan inta uu xilka hayey ku guuldareystey dhameystirka mid kamid ah balanqaadyadaas uu sameyeey marka laga reebo garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Garoowe kuwaaaoo dowladii ka horeysay ku wareejisay Malafka heshiisyadii lala galay shirkadihii dhisi lahaa.

Tuulada Garacad ayaa sanadkii 2016 waxaa  ku soo duuley kooxda Al Shabaab kuwaas oo dagaal adag la galey ciidamada amniga Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM