Puntland: Gaas oo xabsiga ka sii daayey sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab

Image

BOOSAASO - Madaxweynaha Puntland ayaa markii labaad xabsiga ka sii daayey Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel)  oo ah sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab kadib markii maamulka gobolka oo uu hogaaminayo Gudoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo cabsi ka muujiyeen in dagaalo ka dhacayaan gobolka Mudug hadii lagu fuliyo xukunka lagu ridey.

Calool Geel oo Maxkamada ciidamada Puntland dil toogasho ah ku xukuntey ayaa xabsiga laga sii daayey isagoo lagu wareejiyey xubno ka tirsan gobolka Mudug iyo saraakiil ka socota maamulka Galmudug.

Cabdirizaq Tahliil oo ku xiraa xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa qaar ka tirsan ehelkiisa waxay saxaafada u sheegeen in markii la sii daayey loo dhoofiyey magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan ka tirsan ururka Al-shabaab oo dil toogasho ah ku xukunaa markii maamulka Puntland taladiisa uu qabtey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xabsiga laga sii daayey 2015 isagoo dib loo soo qabtey sanadkii 2017 kadib markii magaalada Gaalkacyo howlgalo ka sameyeen ciidamada Danab iyo PSF oo is-kaashanaya.

Ina Calool Geel ayaa xiligaas qayb ka ahaa howlgalo ururka Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo kuwasoo qaraxyo watey, waxaaana Maxakamad ciidamada Puntland ku xukuntey dil kale 11/11/2018.

Gudoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo oo laga eryey shaqada 17 Nov,2018 kadib markii Cabdiweli Gaas kala direy golihii degaanka ayaa bartiisa Facebook ku soo qorey hadal uu guul ku tilmaamey kasoo ula jeedey sii daynta sarkaalkaan ka tirsan ururka Al-Shabaab.

"Waxaan soo dhawaynayaa una hambalyeynayaa isbadalka degmada Gaalkacyo waxaan ku faraxsanahay caqabadii iyo cabsidii maalmahan taagnayd anigoo soo afjaray dadaal dheer kadib." sidaas waxaa yiri Maxamud Yaasiin Tumey.

Puntland ayaa waxaa la soo gudbooonaadey amni xumo ba'an tan iyo intii uu xilka hayey Madaxweyne Gaas iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ku xoogeysteen gaar ahaan gobolka Barri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM