​Puntland: Ganacsiga Bosaso oo loo xiray cabasho dowladda laga keenay

Image
Image

BOSASO, Puntland- Ganacsatada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sameeyay cabasho kaliftay inay xiraan xarumahooda, kadib markii lagusoo rogay lacago dheeraad ah oo ay xuseen inaysan bixin karin.

Mas’uuliyiinta goobaha ganacsiga Bosaso ayaa saaka Albaabada isugu laabay xarumahooda, waxayna ka biyo diideen lacago dhawaan ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku saabsan macaashka Daaraha.

Qaar kamid ah Ganacsatada gadoodka samaysay ayaa ku andacooday inaysan bixin karin lacagtan maadama ya bixiyaan Canshuuro kale oo ku waajibay Badeecooyinka ay iibiyaan.

Waxaa jira kulamo dhex-maray Rugta Ganacsiga Puntland, ganacsatada magaalada Bosaso iyo maamulka gobolka Bari, waxaana wararka uu helayo Garowe Online sheegayaan in lagu kala tagay oo la isku fahmi waayay.

Mid kamid ah ganacsatada Bosaso oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ganacsatada laga doonayo 4% guri kasta.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan sii daysay Wargalin ku saabsan in la qaadi doono Canshuurta Macaashka Daaraha oo laga qaadayo dadka ku jira guryaha Kiradaha ah, waxaana dowladdu tilmaamtay inay tahay mid waafaqsan shuruucda dowladda iyadoo iminka laga qaado Guryahay u kiraysan hay’adaha Caalamiga ah.

Galinkii hore maanta waxaa la xiray Dukaamada waaweyn ee magaalada Bosaso, balse waxaa iminka tallaabadaas ku raacay mulkiilayaasha Ganacsiga yar-yar.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda, xilli dadweynuhu walaac ka muujiyeen go’aanka ganacsatadu sameeyeen.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan sheegtay inay qaadi doonto Lacagta Macaashka Daaraha laga bilaabo January ilaa Jun, 2017.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Sicir barar xooggan uu ka jiro deegaanada Puntland, taasoo xal loo waayay mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Gaas.

Dowladda ayaa iminka qaada canshuuro kala duwan oo ay bixiyaan ganacsatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM