Puntland: Go'aanadii guddiga shilin Soomaaliga oo la aqbalay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey Isniinta maanta ah waxay shaaca ka dhigtay in ay aqbashay go’aanadii kasoo baxay Guddiga xalinta tabashadda iyo diidmada shilin Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxaa la farayaa hay’addaha ay quseyso in ay fuliyaan go’aanadda guddigu soo saarey isla markaana guddiga loo xil saarey dabagalka sidii loo dhaqan-gelin lahaa," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu fahfaahiyey kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Garowe.

"Waxaa maanta oo Isniin ah, bishuna tahay 18/01/2021 kulmey Guddiga Xalinta Dhibaatadda Suuqa Lacagaha ee Puntland. Guddiga ayaa waxay guddo galeen qaabkii loo fulin lahaa go'aamaddii ay soo saareen," ayaa lagu yiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa maantaba shaqo bilaabey Bankiga Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxa uu soo dhoweeyey go'aanka Guddiga, wuxuuna amrey in hay'adaha ay quseyso, ay fuliyaan go'aamadda kasoo baxay Guddiga. Madaxweyne Dowladda Puntland wuxuu Guddiga u sii xilsaarey xaqiijinta fulinta go'aamadda," ayaa lagu soo xiray.

Guddiga ayaa todobaadkii hore waxay soo jeediyeen go’aano ay kamid yihiin; in ganacsatada iyo dowladda iska kaashadaan socod-siinta shilin Soomaaliya iyo in xayiraada laga qaadey lacagaha la isugu diro telefoonada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM