​Puntland: Goobaha waxbarashada oo barri la fasaxay

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir aw-Yusuf Ciise, oo maanta la hadlay warbaahinta kula hadlay magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa iclaamiyay in barri oo taariikhdu ku beegantahay 25 Febrayo, 2016 la fasaxay goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha ka howl gala dugsiyada. 

Fasaxan, ayaa wasiirku u aaneeyay Roob doon deegaanada Puntland ka dhacaysay 25 bishan, wuxuuna ku baaqay in laga qayb qaato si EEBBE loo weydiisto cafis iyo roob dalab.

Abshir aw-Yusuf Ciise, ayaa dhanka kale ka hadlay waxbarashada Puntland iyo heerka marayso, wuxuuna sheegay inay meelwanaagsan marayso islamarkaana uu xawli kusocdo cadadka ardayda waxbarata, taasoo u sababeeyay amniga iyo kala dambaynta kajirta deegaanada Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM